Saddex askari oo goordhaw Muqdisho lagu toogtay oo uu sarkaal ku jiro

Muqdisho(Rajonews)Dilka askartaan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii maxkamada qalabka sida ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay ku heshay dambi ah inay dil horay ugeesteen.

Goobta dilka uu ka dhacaaye ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Darajada koowaad Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cali yaroow,Taliyaha ciidanka Booliiska Xoghayaha maamulka Gobalka Banaadir.

Saddexda askari ee la toogtay ayaa waxaa ku jiray sarkaal labo xidigle ah kaasi oo isna lagu eedeeyay inuu geestay dil baaritaano dheer kadibna lagu helay.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa usheegay warbaahinta in saddexdaasi askari ay xukuntay maxkamada ciidamada taasina ay qeyb ka tahay shaqada maxkamada.

“Dilal ayeey geesteen qaar sanadkaan gudihiisa ayeey dil geesteen mid kalena sanadkii hore ayuu dil geestay waan baarnay kadib ayeey noo cadaatay”Sidaasi waxaa sheegay Liibaan Cali yaroow.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay fulisay xukunada caynkaan oo kale ah oo dilka toogashada ciidanka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.