Maamulka Soomaaliland oo mamnuucay in deeganadaasi lagu dhex kaxeesto gaadiidka Muraayadaha madoow

Muqdisho(Rajonews)Maamulka Somaliland ayaa mamnuucay in dadku ay magaalada ku dhex kaxaystaan gawaari miraayado madow leh, si ammaanka deegaannada maamulka sare loogu qaado.

Taliska ciidanka booliska ee maamulka Somaliland, Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa dadweynaha uga digay in gawaaridooda ay ku xiraan bacaha miraayadaha lagu dhajiyo ee beensal-ka loo yaqaanno.

Taliyaha waxa uu sheegay in arrintan looga gol-leeyahay amniga, isla markaana laga hortagayo in shaqsiyaad falal amni-darro gaystay ay ku dhuuntaan.

Wuxuu xusay in maalmaha soo socda ay ciidamada ammaanka samayn doonaan howlgallo lagula dagaallamayo gawaarida bacaha madow leh.

Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa shacabka ku nool deegaanada maamulka Somaliland uga mahadceliyay qaabka ay had iyo goor ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, hase ahaatee waxa uu ku boorriyay inay laba jibaaraan wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka.

Tan iyo markii Dowladdaha Mareykanka iyo Britain ay uga digeen muwaadiniintooda inay usafraan maamulka Soomaalilland ayaa maamulkaasi wuxuu qaadaye tallaabooyin kala duwan oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.