Madaxweynihii Liibiya oo la sheegay inuu hubeyn jiray Ururka Al-Shabaab

Muqdisho(Rajonews)Sida uu qoray wargeyska Asharq al-Awsat ee fadhigiisu uu yahay Magaalada London ee dalka Britain,Madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qaadfi ee dalka Liibiya ka arimin jirya,ayaa la sheegay in lagu helay taageero uu siin jiray dagaalyahano xariir la leh Al-Qaa’ida oo shabaab ay ka mid yihiin.

Wargeyska ayaa soo bandhigay cadeemo Muujinaya inuu dhaqaalo iyo mid tababareed u fidin jiray Mucamar Al-Qadaafi dagaalyahanada Al-shabaab,islamarkaana isku xiray jiray dagaalyahanada ka dagaalama Soomaaliya iyo Yemen.

Sidoo kale warbixintaan lagu daabacay wargeyskaan ka soo baxay London Asharq al-Awsat,islamarkaana sheegeysa in Al-Qadaafi uu taageeri jiray Al-shabaab ayaa dhanka kale waxay lagu tilmaamay in hogaamiyihii geeriyooday ee Liibiya qeyb weyn ka qaatay taageero badan oo loo fidiyayay Al-shabaab si u sii wadaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale wargeyska uu tilmaamay in Mucamar uu dhiirigilin u sameeyay Shabaab iyo dagaalyahanada ka jira Yemen ee Xariirka la leh Al-Qaa’ida.

Mucamar Al-Qadaafi hogaamiyihii geeriyooday ee dalka Liibiya ayaa la xaqiijiyay in Lacagta kaga baxday tababarka ciidamada Al-shabaabka Soomaaliya ay gaareyso $10 million,

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in dowladii Liibiya ee Madaxda uu ka ahaa Qadafi ay fududeyn jirtay howlo badan ay wadaagi jireen Ururada xariirka la leh Al-Qaa’ida ee ku kala sugan wadamada Soomaaliya,Yemen iyo Ciraaq.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.