Mareykanka oo ka hadlay duqeymo Drone-ka ay ka geystaan dalal Soomaaliya ay ku jirto

Muqisho(Rajonews)Sida warbaahinta gudaha Mareynkanka ay baahiyeen iyagoo soo xiganaya xildhibaano ka tirsan Mareynkanka,diyaaradaha Mareynkanka aan cidi duulin ayaa wadamada Soomaaliya,yemen,Pakistan iyo Afgaanistaan waxay ku dileen dad gaaraya 4,700 -Qof oo isugu jira dagaalyahano iyo shacab sida warbixinta ay sheegeyso.

Wakaalada wararka AFP oo arintaan wax ka qortay ayaa sidoo kale waxay daaha ka rogtay in arintaan Saraakiisha dowlada Mareynkanka isku qilaafsan yihiin duqeynta diyaaradeed ee wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay sida sharcidarada ah looga fulinayo,iyagoo qaarkood qaba fikrada ah in inta badan duqeynta goobaha laga fuliyo ay ku dhintaan dad shacab ah marka laga soo tago dagaalyahanada ku dhimanaya.

Waa markii ugu horeysay Shaqsi ka tirsan dowlada Mareynkanka ama u taagan uu shaaca ka qaado tirada dhabta ah ee ku dhimata duqeymaha Mareynkanka uu geysto,kuwaasi oo cambaareeyeen Kooxaha u dooda xaquuqul insaanka iyo Kooxaha kale ka hortaga xadgudubyada loo geysto bini-adamka.

Warbaahinta gudaha Mareynkanka ayaa si weyn u hadal haaysa arintaan Muranka badan dhalisay ee duqeynta sharcidarada.

Mareynkanka ayaa diyaaradaha Droneska ee aan cidi kaxeynin,wuxuu inta badan kula dagaalamaa dagaalyahanada Al-Qaa’ida iyo Kooxaha kale ee xariirka la leh,isagoo kula bartilmaameedsado wadamada Soomaaliya,Yemen,Bakistaan iyo Afgaanistaan ay ka mid yihiin,balse inta badan duqeymaha uu geysto waxaa ku dhinta dad shacab ah oo goobta ka agdhow,kuwaasi oo ah Xoolo dhaqato ama Beeraley.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.