Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaaray+Dhageyso

Muqdisho(Rajonews)Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo sidoo kale xubno ka tirsan Dowladda dalkaasi.

Markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi si qurux badan ugu soo dhaweeyay wafdi wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ugu sacbo tumaye wafdiga masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya iyadoo ciidanka baambeyda ay tumayeen astaanta calanka dalka Turkiga.

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALADA AY JEEDIYEEN RA’IISUL WASAARE KU XIGEENKA TURKIGA IYO WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOOMAALIYA

Wasiirada soo dhaweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan,Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Maxamuud Xasan Suleymaan.

Ra’iisul Wasare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa salaan sharaf ku qaatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ammaanka wadada xiriirisa Garoonka Muqdisho iyo xarunta Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo laamiga dheer ee kasoo baxa Garoonka Muqdisho ilaa KM4 lagu dhajiyay marooyin waaweyn oo ay ku xardan yihiin calanka dalka Turkiga iyo sidoo kale kan Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulamo kala duwan la qaataan wafdiga heer Ra’iisul Wasaare ku xigeen ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.