Xidhiidhka kubadda cagta Afrika oo ammaanay horumarka kubadda cagta ee Jabuuti

Muqdisho(Rajonews)Guddoomiyaha  xidhiidka kubadda cagta ee dalka Djibouti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga xarunta guud ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Africa ee magaalada Qaahira ayaa la kulmay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Qaarada Afrika (CAF) Ciise Isse Hayatou  iyo xogahaya guud Hicham El Amrani  waxaanay masuuliyiintu ka wada hadleen qodobo muhiima.

Sida uu ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray  Guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta Djibouti Suleymaan Xasan Waaberi Waberi wuxuu ku sheegay inay labada dhinac isla soo qaadeen qodobo la xidhiidha kor u qaadida iyo dhiirigalinta kubada cagta ee wadankan geeska Africa ku yaala halkaasoo madaxda xidhiidhka Kubada Cagta (CAF) ay balan qaadeen in ay ka caawinayaan xidhiidhka kubada cagta Djibouti siduu guul uga gaadhi lahaa  dedaalka iyo mashaariicda horumarinta kubbada cagta ee  ay wadaan xidhiidhka kubada cagta Djibouti.

“Waxaanu u bandhigtay madaxa CAF iyo xoghaya guud qoraal xambaarsan dhamaan qorshayaasha u diyaarsan sanadkan in ay fuliyaan kaasoo sharaxayaa baaxadda hawsha aanu fulinayno si kor loogu qaado hagaajinta iyo horumarinta kubada cagta  ee Djibouti” ayuu ku sheegay war saxaafadeedkaas madaxa xidhiidhka kubada cagta Djibouti.

Wuxuu kaloo sheegay in ay madaxda xidhiidhka kubada cagta ee Qaarada Afrika ay ku booriyeen guulaha ay muujiyen xidhiidhka Djibouti iyo dhawaan dhacdadii taarikhiga ahayd ee ay qaadeen ciyaar yahanada kubada cagta Djibouti iyo mutadawaciinta ka shaqeeya kubada cagta ee wadanka Djibouti iyo sida oo kale   barnaamijkii ugu waynaa ee shacabka lagu horumarinaayay taasoo ay bilaabeen xidhiidhku bishii ina soo dhaaftay ee Janaayo sanadkan 2013.

“Wuxuu sheegay madaxa Xidhiidhka qaarada Africa ( CAF) waanu u hanweyn yahay  dalka Djibouti wixii awooddayda ah  anigoo ah madaxa (CAF) waxaan balanqaadayaa inaan ka caawin doono hormarinta xidhiidhka kubada Cagta ee Djibouti, waxaanu aad ugu farax sanahay mashaaricda horumarinta ah ee ay qaadeen xidhiidhka Djibouti ilaa iyo hadda waanu nana ku dhiiri galinaynaa talaabooyinka ay qaadeen si kor loogu qaado kubada cagta”sidaasuu u sheegay madaxa CAF waftigii  ku booqday xarunta  Qaahira.

Kani wuxuu ahaa safarkii shaqo ee ugu horeeyaya ee madaxda Xidhiidhka kubadda cagta Djibouti ay ku tagaan xarunta xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Afrika tan iyo intii loo doortay madaxa xidhiidhka kubada cagta ee Djibouti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi oo ay ku weheliyaan safarkan shaqo kuxigeenka kowaad ee xidhiidhka  mudane Maxamed Yaasin Yoonis iyo Qasnajiga xidhiidhka kubadda Cali Xareed Maxamed.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.